Maxaa ka jira in Ciidamo Turkiga ah lagu soo daabulayo Soomaaliya?

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay HBN ayaa sheegaya in diyaarad sidday boqolaal askari oo ka socda dalka Turkiga ay labadii maalmood ee la soo dhaafay soo gaartay magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa tiradoodu lagu qiyaasayaa inta u dhaxaysa 400 ilaa 500, waxaana ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo la filayo in ciidamo Turki ah lagu keeno gudaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo codsaday inaan magacooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan, ayaa sheegay in ciidamadan ay horudhac u yihiin illaa 2,500 oo askari oo laga yaabo in lagu soo daabulo Muqdisho maalmaha ama toddobaadyada soo socda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in ciidamadan cusub ay ka qeyb qaadan doonaan sugidda ammaanka mashaariicda muhiimka ah ee Turkigu ka wado gudaha Soomaaliya, sida hawlaha shidaal baarista iyo qodista, iyo dhismaha xarun laga rido gantaallada dayax gacmeedka oo Turkigu qorsheynayo inuu ka hirgeliyo dalka.

Sidoo kale, ciidamadaasi ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan howlgalada gaarka ah ee lagula dagaalamayo Al Shabaab, iyagoo si gaar ah uga taageeraya ciidamada Soomaaliya dhinacyada weerarrada cirka iyo tababarka ciidanka.

Diyaaradda sidday ciidamada Turkiga ayaa la sheegay inay leeyihiin ciidamada cirka ee Qadar, taasoo laba jeer timid Muqdisho toddobaadkan. Safarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay maalintii Axadda, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan Muqdisho.
Ciidamadan cusub ayaa lagu sheegay inay qayb ka yihiin fulinta heshiiska iskaashiga dhanka difaaca ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Waxaa xusid mudan in Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho safaaradiisa ugu weyn caalamka iyo xero ciidan oo lagu tababaro askarta Soomaaliyeed. Waxaa horay u joogay ciidamo kooban oo ilaaliya amniga safaaradda iyo xarunta tababarka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo si toos ah u xaqiijinaya ama u beeninaya xogtan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed