Maxaa ka jira in Erling Haaland uu dhaawac ku seegayo kulanka Brighton & Hove Albion ee City

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Manchester City Erling Haaland uu seegi doono kulanka Khamiista ee Premier League ee ay martigelinayaan Brighton & Hove Albion.
Haaland wuxuu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka maqan kooxda Citizens oo xaqiijisatay guul caato ah oo 1-0 ah oo ay ka gaareen Chelsea semi-finalka FA Cup isbuucii hore ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka soo kabsado dhaawac muruqa ah.

23-sano jirkaan ayaa sii adkeystay dhibaatadiisa kullankii City ee wareega 8da Champions League ee usbuucii hore, Guardiola ayaana daaha ka qaaday ciyaarta ka dib in weeraryahanku uu codsaday in ciyaarta laga saaro ka hor inta aysan kooxdiisa ku khasaarin rigoorayaal.

Haaland wuxuu ka maqnaa tababar furan oo ka dhacay akadeemiyada kubbadda cagta City Talaadadii isagoo uu weheliyo Phil Foden, taasoo kor u qaadeysa walaaca laga qabo helitaankooda safarka Khamiista ee garoonka American Express Stadium.

Guardiola ayaa tan iyo markaas soo saaray warar kala duwan oo ku saabsan taam ahaanshaha kooxdiisa koowaad, isagoo xaqiijiyay inuusan awoodin inuu u yeero gooldhaliyaha ugu sarreeya.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed