Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa shaaciyay in dhawaan Soomaaliya ay dirto dayax-gacmeed, taas oo qeyb ka ah iskaashiga Ankara iyo Muqdisho. Safiirka ayaa sheegay in dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka uu socdo, islamarkaana uu la mid yahay mashaariicda kale ee Turkigu ka fulinayo Soomaaliya sida amniga, ganacsiga iyo gargaarka bini’aadantinimo.
Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay in ka hor dhamaadka sanadkan Soomaaliya la keeni doono doomaha kaluumeysata xeebaha,si looga faa’iideysto kaluumaysiga dalka.
Dhanka amniga, Safiir Alper Aktaş wuxuu carrabka ku adkeeyay kaalinta Turkiga ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoo xusay in Ankara ay ku taageertay dowladda Soomaaliya diyaarado dagaal, ciidan iyo saraakiil tababar.
Isagoo ka jawaabayay dacaayadaha ka dhanka ah xiriirka labada dal, ayuu sheegay in Turkigu yahay dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya. Wuxuuna intaa ku daray: “Sanad ka hor dadka ma rumeysaneyn in Turkigu diyaarado caalami ah uga qeyb qaadan doono dagaalka Khawaarijta, balse maanta way dhacday, dhawaanna argagixisada gebi ahaan waa laga cirib tiri doonaa Soomaaliya.”
HBN ONLINE TV