Maxaa ka cusub safarka Ra’isalwasaare Xamsa ee Laascaanood?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota diyaarinta safarka Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, iyadoo war ka soo baxay xafiiska Ra’isalwasaaraha lagu sheegay in booqashadu ku salaysan tahay  arrimaha amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u-kuur-gelidda xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka deegaanka.

Wafuud isagu jirta masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliya & laamaha ammaanka ayaa gaaray magaalada Laascaanood si ay ugu sii gogol xaaraan imaanshaha Xamsa ee magaalada.

Gudaha magaalada Laascaanood ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa diyaargarowga soo dhaweynta Ra’isalwasaaraha iyadoo la xoojiyay ammaanka, waxaana waddooyinka la suray sawirada Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la diyaariyay goobta ay degayaan wafdiga Ra’isalwasaaraha.

Safarka Xamsa Cabdi Barre uu ku tagayo magaalada Laascaanood ayaa ku soo aadayaa xilli xasaasi ah oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Puntland & Dawlada Dhexe, isla markaana Dawlada Federaalku riixayso doorasho qof & cod ah. Puntland ayaa ku doodaysa in Laascaanood iyo deegannada kale ee uu maamulo maamulka SSC Khaatumo inay ka mid yihiin Puntland, wallow maamulka uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye uu caddeeyay in dadka deegaanku ay ka madaxbannaan yihiin Somaliland & Puntland ayna dhisteen maamul u gaar ah loona baaha yahay in loo tixgaliyo go’aankooda.

Dhanka Somaliland, si adag ayaa loo cambaareeyay safarka Xamsa taasi oo qayb ka ah sheegashada Somaliland ee deegaankaasi, inkastoo maamulka SSC Khaatumo uu deegaankaasi ka taliyo isla markaana dadka ay si wayn uga horyimaadaan maamulka Somaliland oo dagaal toos ah ay galeen.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed