Xaaladda Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa maanta deggen, waxaa socda dedaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddii ka dhacday Magaaladaas ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca sida warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta Somaliland ee gobolka laga soo doorto.
Dadkii dhaawaca ah ayaa lagu daweynayaa goobaha Caafimaadka ee Magaalada Boorama, waxaa booqday qaar kamid ah Salaadiinta, waxaa socda tirakoob lagu diiwaangelinayo Dadkaas.
Goobaha Caafimaadka ayaa la geeyay dawooyin kaddib markii ay kasoo yeertay qaylo-dhaan la xiriirta dadka dhaawaca ah oo badan iyo dawada oo ku yar, waxaana dhinaca kale socda kulamo looga arrinsanayo sidii loo garab istaagi lahaa isbitaallada.
Sidoo kale waxaa arinta xaaladda adag ka hadlay Duqa Magaalada Boorama, Maxamuud Sheekh Ibraahim oo sheegay in dibadbaxyada Boorama ay yihiin kuwo si weyn u siyaasadaysan, isla markaana ay jiraan sida uu hadalka u dhigay qorshayaal lagu doonayo in ciidamo ka socda Midowga Afrika (AMISOM) loo raro gobolka Awdal. Wuxuu ku tilmaamay rabshadaha socda kuwo aan faa’iido u lahayn bulshada, maadaama ay sii kala fogeynayaan shacabka iyo ciidamada, isagoo ku baaqay in la saxo khaladaadkii dhacay si xaaladdu u degto.
Guddoomiyaha Boorama ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay ciidamada dadka tooganaya ee kordhiyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, wuxuuna sheegay in joogitaankoodu xaaladda sii adkaynayo. Wuxuu sheegay in boobka hantida dadweynaha iyo tan gaarka ah aysan waxba ka tarayn xal u helidda dadka deegaanka, maadaama salaadiinta dhaqanka ay ku jiraan dadaallo lagu joojinayo rabshadaha socda maalintii afraad.
Inkasta oo maanta wax rabshada ah aan laga soo warin magaaalada masuuliyiinta gobolka ayaa dhalinyarada ugu baaqay in la joojiyo qaska iyo fowdada — halka Duqa magaalada uu ku boorriyay ciidamada in ay joojiyaan toogashada iyo caburinta, isla markaana lagu kalsoonaado wada-hadalka iyo dadaalka ay wadaan salaadiinta deegaanka.
Hbn Online Tv

