Maxaa iska bedelay mowqifka Soomaaliya ee damaca badda ee Itoobiya?

Dowladda Soomaaliya oo si hor dhac ah uga hadashay shirka heshiisiinta ee garwadeenka ka tahay Turkiga ee kala Itoobiya ayaa sheegtay in weli waxba iska bedelin go’aankeeda ahaa Soomaaliya in marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista Madaxbannaanida & Qarannimada.

Wasiirka Warfaafinta, Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa meesha ka saaray in Dowladdu ay ka tanaasushay ama wax ka baddeshay mowqifkeedii hore.

“Soomaaliya marna kama tanaasuli doonto mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbannaanida & qarannimada, waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan oo ahaa in Itoobiya la siinayo marin badeed taasi oo shaki weyn dulsaartay wadahadalka maanta ka furmaya Ankara.

Daa’uud Aweys ayaa ku sifeeyay arrintaas in aanay ka dhigneyn in la siinayo Bad ama laga kireynayo balse dulucda ayaa ah in wax weliba lagu saleeyo Axdiga Qaramada midoobay ee dalalka aan lahayn Badaha iyo kuwa leh sida ay u tacaamuli karaan.

“Marin baddeed macnaheedu ma aha wax ka baxsan ganacsi” ayuu yiri Daa’uud Aweys oo ka jawaabayay hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakam Fidan.

Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya wajiga labaad ee wadahadalka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya uuna dhexdhexaadiye ka yahay Turkiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed