Dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayay inuu furmo, ka dib markii wakhtiga loo asteeyey uu ku ekaa Maanta fasaxooda.
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax laba billood ah ku jiray ayaa qorshaha ahaa inuu u furmo Kalfadhigii 6-aad oo ah mid ka duwan, kana adag kuwii hore, maadama qoddobo masiiri ah ay go’aanno ka gaari doonaan.
Kalfadhigii 5-aad baarlamaanka waxaa ay diiradda saareen dib u eegista Dastuurka iyo sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho qof iyo cod ah. Waxaa la meelmariyay afar cutub oo ka mid ah Dastuurka dalka.
Guddoonka labada aqal ayaa intii ay fasaxa ku jiraan Xildhibaannada galayay kulamo looga hadlayay dib u eegista Dastuurka gaar ahaan cutubta 5-aad ilaa cutubta 9-aad oo Guddiga Dastuurka gacanta ku hayo.
Kalfadhigaan 6-aad wuxuu billaaban doona, iyada oo ay ganaax ku maqnaan doonaan 22 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ku xad gudbeen sida hadalka loo dhigay shuruucda baarlamaanka intii ay socotay coddeynta iyo ansixinta jiheynta doorashada qof iyo cod ah 27 bishii November ee 2024.
Ma jiro ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la xiriira baaqashada kulamada iyo waxyaabaha iska bedelay qorshaha labada gole ee Baarlamaanka.
HBN ONLINE TV