Maxa saaka ka socda muqdisho?

Saaka waxaa magaalada Muqdisho ka billowday doorashada goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir, taas oo noqotay dhacdo taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay in ka badan 50 sano oo shacabka caasimaddu si toos ah u dareeraan goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

Dadweynaha ayaa aroortii hore gaaray xarumaha codbixinta ee degmooyinka kala duwan, iyagoo safaf dhaadheer u galay qaadashada fursaddan dimuqraadiyadeed. Doorashada maanta waxaa ka qeyb qaadanaya 503,916 qof oo heysta kaararka codbixinta, inkasta oo horay loo diiwaangeliyey dad tiradoodu gaareyso ku dhowaad hal milyan.

Dhanka amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee caasimadda, iyadoo la howlgaliyey ku dhowaad 10-kun oo ka tirsan ciidamada ammaanka. Sidoo kale, waxaa la hakiyey isu socodka guud ee gaadiidka iyo duulimaadyada, marka laga reebo gawaarida ciidamada iyo kuwa Guddiga Doorashooyinka.

Doorashada waxaa ku tartamaya ururro siyaasadeed oo gaaraya ilaa 20, kuwaas oo soo bandhigay musharaxiin u badan dhallinyaro, si ay u buuxiyaan 390 kursi oo goleyaasha deegaanka ah. Qaar ka mid ah codbixiyeyaasha la hadlay warbaahinta ayaa doorashadan ku tilmaamay tallaabo horumar leh, iyagoo muujiyay rajo ah in mustaqbalka shacabka Soomaaliya ay si xor ah u soo dooran doonaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed