Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay marxaladda ugu dambeysa ee diiwaangelinta codbixiyayaasha ee maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo guddigu sheegay in meelaha badankood ay marayaan heer gebogebo ah.
Magaalada Laascaanood ayuu sidoo kale guddigu shaaciyay in laga bilaabi doono berri diiwaangelinta dadweynaha maamulka Waqooyi Bari, oo arintisii doorashada socota awgeed dib loogu dhigay.
Muqdisho, oo horey loo soo xiray diiwaangelinta ayaa hadda lagu guda jiraa astaynta iyo diyaarinta goobaha codbixinta, kuwaas oo tiradoodu ka badan tahay 800 goobood oo ay ka codeyn doonaan shacabka caasimadda.
Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa ku adkeeyay ururrada siyaasadda ee is-diiwaangeliyey inay soo gudbiyaan astaamahooda tartanka, halka kuwa weli aan buuxin shuruudaha la faray inay keenaan xogtooda ugu dambeyn 6-da bishaan September oo ah sabtida soo socta.
Inkasta oo guddigu uu wajahayo cadaadisyo siyaasadeed oo xoogan, haddana dhowaan ayuu ku dhawaaqay in Banaadir laga diiwaangeliyey ku dhawaad hal milyan oo qof, kuwaas oo lagu wado inay doorashada Muqdisho ku soo doortaan maamulka rasmiga ah ee gobolka.
HBN ONLINE TV