Warar ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka, gaar ahaan Wargeyska The New York Times ayaa shaaca ka qaaday in khilaaf xoogan uu ka dhex aloosan yahay masuuliyiinta maamulka Madaxweyne Donald Trump, kaas oo la xiriira mustaqbalka safaaradda Mareykanka ee ku taalla Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Khilaafkan ayaa salka ku haya dood la xiriirta in safaaradda ay ka sii furnaato caasimadda Muqdisho — si loo muujiyo sida Mareykanku uga go’an yahay taageerada iyo joogitaankiisa Soomaaliya — ama in safaaradda loo raro dal kale oo deris ah, sababo la xiriira walaaca dhinaca amniga ee ka jira gobolka.
Qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Trump ayaa ku dooday in joogitaanka safaaradda ee Muqdisho uu xambaarsan yahay fariin siyaasadeed oo muhiim u ah xiriirka labada dal.
Halka kuwo kalena ay sheegeen in xaaladda amni ee Muqdisho ay khatar weyn ku hayso badbaadada shaqaalaha diblomaasiyadda Mareykanka, sidaa darteedna ay habboon tahay in safaaradda loo raro meel ammaan badan.
Dooddan ayaa imaneysa xilli maamulka Trump uu wajahayo caqabado waaweyn oo la xiriira siyaasaddiisa dibadda, gaar ahaan meelaha ay colaadaha ka jiraan sida Soomaaliya.
Sidoo kale, Khilaafkan ayaa imaanaya kadib markii bishii Febraayo ee sanadkan2025, maamulka Trump uu si rasmi ah u xiray hay’addii Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), taasoo lagu tilmaamay mid dhaawac weyn gaarsiisay dadaallada gargaarka iyo horumarinta ee Mareykanka uu ka waday caalamka.
Xiritaanka USAID ayaa sababay jahawareer baahsan oo saameeyay shaqaalaha hay’adda iyo mashaariicdii ay ka waday dalal badan oo dunida ah, gaar ahaan Soomaaliya, oo ka mid ah meelaha ugu nugul ee gargaarka dibadda uu Mareykanku ka fulin jiray.
Go’aanka kama dambaysta ah ee laga gaari doono mustaqbalka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu saameyn ballaaran ku yeesho xiriirka Washington ay la leedahay dalalka Geeska Afrika iyo istiraatiijiyadda amniga ee gobolka.
HBN ONLINE TV