Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee laga soo doorto deegaannada Somaliland oo ka hadlay doorashada ka socota

Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya qaar ka mid ah oo laga soo doorto deegaannada Somaliland ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay doorashada qof iyo codka ah ee maanta looga dareeray deegannadaasi.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa hambalyo u diray shacabka gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta u dareeray doorasho qof iyo cod ah.
Saalax ayaa tilmaamay in ay soo jireen u aheyd doorasho nabdoon, isaga oo sheegay in 35-kii sano ee ay jitay ay aheyd mid qori isu dhib ah madaxweynaba midkii ka dambeeyay.

“Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin ugu diraya shacabweynaha Soomaliland oo safaf dhaadheer ugu jira in ay markale sida caadada u ahayd, lagu yaqiin ayna ku sunatanaayeen si dumuqaraadiyad leh u dooranayeen hoggaanka maamulkaas’’. ayuu yiri Saalax Jaamac.

Sida oo kale, Xildhibaan Mahdi Maxamed Gulled ayaa isna dhankiisa hambalyada iyo bogaadinta u diray dadka Soomaaliland, isaga oo ugu baaqay u diray “shacabweynaha Soomaaliland, dowlad iyo shacabba, in ay si nabad ah ku codeeyaan” si ay si nabad ah ugu cabbiraan codkooda, musharaxa ay rabaanna si nabada ah ugu codeeyaan.

Waxaa uu tilmaamay in “Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka doorashada” ay ka feejignaadaan shacabka sida uu hadalka u dhigay sidii hore ay ugu feejignaayeen.
Dhanka kale, Xildhiban Senator Cabdiwali Garyare oo ka tirsan golaha Baarlamaanka ayaa dhankiisa bogaadiyay doorshada ay u dareereen dadka reer Somaliland, isaga oo tilmaamay in Somaliland tahay meelaha ugu horreya ay si nabdoon ugu dhacaan doorashada dadweyne.

“Waxaan bogaadinaayaa una hambalyeynaa doorashada iminka Somaliland ka socota, waxaana leeyahay bulshada iyo madaxda halkaas ku tartameysa, in sidii lagu yaqaanay ay hormuud ugu ahaadaan nabadda, natiijadana ay aqbalaan”. Ayuu yiri, Senator Cabdiwali Garyare.

Doorashada oo weli socota codeynta ayaa la filaayo in ay soo dhaamaan doonta waqtiga dambe ee maanta, lana filaayo in ay ka soo baxdo natiijada doorasho ee cidda qaban doonto marajaha xukuumadda Somaliland ee 5-ta sano ee soo socota.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed