Masuuliyiin sar sare oo iska casilaya xilalkii ay ka hayeen xisbiga Kulmiye ee talada haya Somaliland

Xisbiga talada haya Sooomaaliland ee Kulmiye ayaa todobaadkan waxaa ka baxay masuuliyiin miisaan culus kulahaa, kuwaa oo xilal kala duwan ka hayey, sida Guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe, xoghayihii xisbiga ee Gabiley iyo xubin kale oo saameyn ku dhex lahaa.

Maanta waxaa shaaciyey in ay ka bexeen siyaasi Khaliif Maxamed Warsame (Xiinwaal), oo muddo dheer ka tirsanaa Kulmiye iyo Xoghayihii guud ee Xisbiga ee Gabiley Xasan Maxamuud Jirde oo isna sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey.

Guddoomiye ku xigeenkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) ayaa shaaciyey isniintii aan soo dhaafnay in uu iska calisay xilkii uu ka hayey ka dib markii uu tilmaamay in uu ka arki waayey sida hadalka uu u dhigay isku wadidii iyo nabaddii shacabka Soomaaliland, isaga oo sheegay in uu ku biiray xibsiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Xubnaha qaarrkood ayaa sheegay in ay ku biiri doonaan, xooggoodana ay ku taageerayaan xooggaga isbeddeldoonka oo sida hadalka u dhigeen lagu samatabixinayo Soomaaliland.
Kulmiye oo uu huggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, kuna jira ololihii ugu dambeeyey ee doorashada Soomaaliland oo la filayo in bisha Novembar horaanteeda in la qabto ayaa waajahaya culeys kale oo xubnaha baxay ay ku leeyihiin.

Dadka falanqeeya siyaasadda, gaar ahaan kuwa deegaannada Soomaaliland ayaa sheegaya in sababta looga tagayo sida ay hadalka u dhigeen ay tahay suurtagalnimada in xibbsiga Kulmiye uu waayi karo aqlabiyada codadka doorashada.

Doorashooyinka Soomaaliland oo wax yar ka harsanyihiin ayaa la filayaa in qabsoonto sida uu u qorsheeyay Guddiga doorshooyinka 13-ka Bisha November ee 2024, waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday qabsoomiyadda doorashda madaxweyne ee Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha talada haya ayaa Soomaaliland huggaaminayey tan iyo sanadkii 2017-kii, isaga oo kursiga ku fadhiya ku dhawaad todob sannadood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed