Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa booqasho ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay si weyn isaga caabiyeen weerar ay dhawaan ku soo qaadeen kooxda Al shabaab . Saraakiisha ayaa bogaadiyay naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada ku sugan magaalada iyo shacabka sida ay naftooda u hureen, isla markaana ay si hagar la’aan ah isaga caabiyeen hadafkii Al-Shabaab ee ahay in ay gacanta ku dhigaan magalaadaas.
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa iska caabiyay weerar ballaaran oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Ciidamada dowladda ayaa horey u haystay xog sirdoon oo ku saabsan weerarka soo socda, taasoo u sahashay inay diyaariyaan oo ay ka jawaabaan si hufan oo ay ku dileen 47 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya
Iska horimaadkan ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya dagaalyahanada deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii la isugu soo wada jeesan lahaa sidii looga adkaan lahaa Shabaaba.
HBN NEWS DESK