Masuuliyiin ka socoto Jubaland oo gaaray Gedo

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u kuur galay xaaladda gobolka, oo dhawaan loo magacaabay maamul cusub.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa degmada Luuq kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalkaan ayaa noqonaya kii ugu horreyay ee madaxda Jubaland ay ku tagaan gobolka Gedo taniyo markii uu bilaawday khilaafka gobolka ee dhaxeeyay madaxda gobolka iyo maamulkaas.

Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ah degmadda kaliya oo ay horey u tageen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed