Masar & Soomaaliya oo ka wada hadlay qorshaha Masaaridu ciidamankooda ugu biirayaan hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga milatari iyo amniga ee labada dal, gaar ahaan ka qaybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika iyo doorkeeda tababar ee Ciidamada Soomaaliya oo kaalin ay ku yeellan doonto.

Kulan khadka taleefanka ah oo ay wada yeesheen wasiiradda Difaaca SoomaaliyaAxmed Macallin Fiqi iyo dhigiisa Masar, Sarreeye Gaas Cabdilmajiid Saqar, diiradda lagu saaray Xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal, Kaalinta ciidamada Masar ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka AUSSOM iyo Hindisayaal wadajir ah oo lagu horumarinayo tababarka iyo tayeynta ciidamada difaaca ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxay muujinayaan sida ay uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada danaha wadaagga ah, waxayna si gaar ah u xuseen muhiimadda siyaasadeed, taariikheed iyo amni ee Soomaaliya iyo Masar ka dhexeeya in lasii laba jibaari doono.

Wadahadallada ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur amni ah, oo lagu wado in mas’uuliyadda sugidda amniga dalka laga wareejiyo, una gudubto ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, ka dib howlgalka AUSSOM.

Sida ku cad heshiis difaaca oo ay wada galeen Muqdisho iyo Qaahira, Masaaridda ayaa qorsheyneysa in ay dalka ay keento illaa 10-kun oo askari, kuwaas oo qeyb ahaan u shaqeyn doona si madax-bannaan, taas oo ah arrin ay labada dowladood horay isugu afgarteen. Hase yeeshee, arrintan ayaa keentay falcelin dhanka Itoobiya ah, oo ku eedeysay Qaahira in ay “kicineyso xasilloonida gobolka.”

Soomaaliya ayaa tan iyo 2007-dii marti gelinaysay ciidamo Midowga Afrika, iyadoo wax la iska waydiinayo bedelkooda maxaa dib u dhis loogu sameyn waayey ciidamada qaranka sida ay qabaan falanqeeyayaasha amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in laga faa’iideysto fursadda lagu heli karo taageero Masar si dib loogu dhiso awoodda amni ee gudaha, iyadoo lagu wajahan yahay mustaqbal aan ku xirnayn ciidamo shisheeye.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed