Masar oo Soomaaliya ku tilmaantay tiir amni oo istaraatiiji ah, iyaga oo digniin ka bixiyey dhinacyada isku dayaya Badda Cas

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel Aaty ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay muhiimad istaraatiiji ah oo gaar ah, isla markaana ay tahay tiir muhiim u ah amniga Masar, Carabta iyo Afrika. Hadalkan ayuu ka sheegay dood ka dhacday Madasha Doha oo looga hadlayay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Aaty wuxuu xusay in Soomaaliya ay wajahayso caqabado isku dhafan oo u baahan qorshe mideysan iyo iskaashi caalami ah, isagoo uga digay dhinacyada isku dayaya inay Badda Cas ka dhigaan goob tartan siyaasadeed oo khatar gelin karta midnimada iyo madaxbannaanida dalka. Wuxuu cadeeyay in siyaasadda Masar ay ku dhisan tahay taageeridda midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo ilaalinta sharciyadda.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay kaalinta Masar ee dhanka tababarrada, waxbarashada iyo dhismaha hay’adaha dowladda, isaga oo sheegay in boqolaal arday Soomaaliyeed ay ka faa’iideysteen barnaamijyada Al-Azhar, jaamacadaha Masar iyo machadyada lagu tababaro xalinta khilaafaadka. Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado cusub oo ay ka mid yihiin kooxaha dowladda iyo culaysyada la xiriira dib u dhiska dowladnimada.

Ugu dambayn, Abdel Aaty wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si joogto ah u maalgeliso howlgalka AUSSOM, si loo hubiyo amniga Soomaaliya loogana hortago hoos u dhaca ku yimid dhaqaalaha lagu taageero hawlgallada amniga.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed