Masar oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan deegaanada Somaliland

Dowladda Masar ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan deegaannada Somaliland, waxaana ay u soo jeedinaysay dhammaan muwaadiniinta dalkeeda in aanay u socdaalin, iyada oo la eegayo sida hadalka ay u dhigeen saamaynta xasillooni darrada amni ee gobolka ku leedahay ammaankooda.

Warkaan oo ka soo baxay Safaaradda Masar ee Muqdisho ayaa ugu baaqday dadka Masaarida ah ee ku sugan deegaanadaasi in sida ugu dhakhsaha badan uga dhoofaan garoonka magaalada Hargeysa, halka ay ku nuuxnuuxsatay in xaaladda ammaan ee gobolku ay xaddidayso in wax kasta oo qunsuliyadeed ah la siiyo dadka Masaarida ah ee halkaas jooga.

Sida oo kale waxaa ay ugu baaqday Safaaraddau in Masaarida doonaysa in ay booqdaan gobol kasta oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in si buuxda ugu hoggaansamaan kontaroolada iyo nidaamka ay go’aamiyaan maamulada awooda u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Fariintan ka soo baxday Masar ayaa u muuqata mid ay kaga jawaabeyso, ka dib markii Soomaaliland xirtay xaruntii Maktabadda ay ku laheyd magaalada Hargeysa.

Soomaaliland ayaa ku eedeysay Masar in ay wado si ay carrabowday qalqalinta amniga gobolka, waxaana ay tilmaantay in heshiiska ay la gashay Soomaaliya ee dhanka difaaca in uu yahay mid wax u dhimaya amniga gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed