Dowladda Masar ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay in taageero ay siiso xasiloonida iyo Amniga Soomaaliya, intii lagu guda jiray kulan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ku dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty iyo saraakiil Mareykan ah.
Wasiir Abdelatty ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Molly Phee.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Masar ay saaxiibtinimadeeda Soomaaliya kaga taageeri doonto dhanka dhismaha amniga iyo tayada ciidamada, iyada oo laga faa’iideysanayo khibradda Masar ee la dagaalanka waxa loogu yeeo argagixisada, xaqiijinta amniga, iyo ilaalinta sharciga.
Soomaaliya & Masar ayaa qalinka ku duugay heshiis dhanka difaaca ah 14-kii bishii Agoosto ee sanadkan, kaasi oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dal.
14 maalin ka dib heshiiskaas waxaa magaalada Muqdisho ka soo degay Labo diyaaradood oo Ciidamada Masar lahaayeen, kuwaa goordambe Soomaaliya ku sheegtay in saanad ciidan ay sideen.
Dhamaadka sanadkan ayaa la filaa in Masar ay Soomaaliya keento 10-kun oo Ciidamadeeda ah, kuwaa barkood ku imaan doonaan heshiiska AUSSOM ee 2025.
Falanqeeyayaasha gobolka ayaa soo jeedinaya in kordhinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya ay la leedahay Masar ay jawaab u noqon karto xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan arrinta ku saabsan muranka wabiga Niil oo muddo soo jiitamaysay
Xukuumadda Addis Ababa ayaa is afgaradka Soomaaliya iyo Masar ku sheegtay mid ay kaga walaacsan tahay howlgalka cusub in Khataro ka buuxaan.
HBN ONLINE TV

