Masar oo mar kale taageero & isgarab istaag u muujiyay Soomaaliya

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta ka wada hadlay xaaladda heshiiska ay wada galeen ee dhanka difaaca ahaa iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ka mira dhalinta iskaashiga iyada oo dowladda Masar mar kale sheegtay in diyaar ay u tahay garab istaaga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xamsa Cabdi Barre oo safar ku jooga dalka Masar ayaa maanta kula kulmay dhiggiisa Mostafa Madbouly, iyada oo dhinacyadu kawada hadleen xiriirka labada dal iyo heshiisyada ay wada galeen ee dhanka difaaca ah.
Ra’iisul Wasaare Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Soomaaliya dhinac walba.

Labada Ra’iisal wasaare ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ayaa inta uu kulankoodu socday waxaa ay diiradda ku saareen sidii looga mira dhalin lahaa heshiiska taariikhiga lagu tilmaamay ee mid wax weyn ka bedeli doona xaaladda amniga ee geeska Afrika.

Heshiiskan dhanka difaaca ah oo ku dhawaad saddex toddobaad ka hor ay magaalada Qaahira ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa noqday mid si weyn ay Itoobiyo uga hor timid, waxaana ay ku tilmaantay mid xasarad gobolka ka abuuri kara sida ay hadalka u dhigtay.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in kordhinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya ay la leedahay Masar ay jawaab u noqon karto xurgufta siyaasadeed ee ballaaran ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan arrinta ku saabsan muranka wabiga Niil. Colaadan ayaa ah mid muddo dheer ka jirtay gobolka, iyadoo labada dal ay ku loolamayaan inay saameyn ku yeeshaan kheyraadka webiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed