Dowladda Masar ayaa soo gebogebeysay tababarkii ugu horreeyay ee ciidamadeeda ku biiraya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo lagu qabtay Xarunta Qaahira ee Nabadda, Halganka iyo Tababarka (CCCPA).
Tababarka oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa taageero dhaqaale iyo farsamo ku bixisay dowladda Japan, taas oo door muuqda ka qaadatay diyaarinta ciidanka Masar ee la qorsheeyay in loo soo diro Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM oo lagu beddelay ATMIS, ayaa diiradda saaraya dhismaha awoodaha amniga ee Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid guul leh oo deggan.
Ciidamada Masar ayaa markii ugu horreysay door muuqda ka qaadanaya xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadooda loo diyaarinayo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgallada Midowga Afrika ee ka socda gudaha dalka.
Tababarka ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee ka jira gudaha Soomaaliya.
Qaramada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidamada qaranka, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo xasillooni waarta.
Falanqeeyayaasha amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in ka-qaybgalka Masar uu xambaarsan yahay fariimo muhiim ah:
In Masar ay isku dayayso inay door muuqda ka qaadato amniga Geeska Afrika, iyadoo difaacaysa danaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb.
In ay ku raad joogto xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo amni ee ay la leedahay Soomaaliya, si ay uga hortagto saamaynta dalalka kale ee gobolka iyo kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo in ka-qaybgalka ciidankeeda loo arko tillaabo ay ku muujinayso hoggaamineedkeeda gudaha Midowga Afrika, maadaama ay ka mid tahay dalalka ugu awoodda badan ee ciidan ahaan.
HBN ONLINE TV