Masar oo digniin tilaabo military ah ugu hanjabtay Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aty, ayaa ka hadlay walaaca ka taagan waddanka Masar ee la xiriira biyo-xireenka weyn ee Itoobiya iyo sida Itoobiya u maareyneyso, isagoo muujiyay suuragalnimada in Masar ay u leexato xal milatari si ay u difaacdo waxa uu ku tilmaamay “danaha jiritaanka” ee dalka.

Abdel Aty ayaa hadalkan ku sheegay wareysi telefishin oo uu siiyay telefishinka MBC Masar, isagoo xusay in Masar si cad u muujisay mowqifkeeda ah in “arrinta amniga biyaha ay tahay mid jiritaan ah oo aan la iska indho tiri karin ama loo dulqaadan karin.” Wuxuu intaas ku daray in mowqifka Qaahira uu yahay in “waddadii wadaxaajoodku ay dhammaatay, isla markaana ay gaartay albaab xiran.”

“Masar waxay leedahay xaq buuxa oo ay ku adeegsan karto dhammaan hababka la heli karo, si waafaqsan qaanuunka caalamiga ah, si ay isu difaacdo una ilaaliso danaha biyaha haddii waxyeello timaado,” ayuu yiri wasiirku.

Markii la weydiiyay in uu ula jeedo xal milatari, Abdel Aty wuxuu yiri “dhammaan wixii qaannuunka caalamiga ah dammaanad qaadayo ay dalalku xaq u leeyihiin, gaar ahaan marka dhibaato loo geysto, Masarna waxay leedahay xaq buuxa oo ay isku difaacdo.”

Masar waxay u aragtaa tallaabo kasta oo la xiriirta Webiga Niil inay tahay “halis jiritaan,” maadaama uu yahay isha nolosha dalka. Qaahira ayaa dhawaan sii adkeysay hadalladeeda kaddib markii wadaxaajoodyadii ay la lahayd Itoobiya ay fashilmeen, ka dib ku dhowaad 15 sano oo ay socdeen, waxaana carrabka ay ku adkeysay inaysan aamusnaan doonin marka ay wajahdo waxa ay ku tilmaamtay “hab-dhaqan mas’uuliyad-darro ah” oo ka imanaya Itoobiya.

Dhanka kale, Masar waxay ku baaqeysaa heshiis lagu maamulo biyo-xireenka weyn, kaas oo tixgelinaya baahiyaha Itoobiya, Suudaan iyo Masar, maadaama Webiga Niil uu yahay webi caalami ah oo la wadaago.

Laakiin Itoobiya waxay ku adkeysaneysaa in biyo-xireenku uu qayb ka yahay madax-bannaanideeda buuxda, isla markaana uu ku yaallo dhulkeeda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed