Masar oo abaabushay ururo & dalal badan oo si buuxda u garab taagan Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel-Aati, ayaa cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in Qaahira ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu diyaarinayo jawaab mideysan oo caalami ah, taas oo ay ku mideysan yihiin 23 dal iyo laba urur, si looga hortago tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo nabadda guud ee Geeska Afrika.

Hadalkan ayaa ka soo baxay kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika yeeshay, kaas oo ku qabsoomay hab fogaan arag ah. Kulankaas waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda ka dhalatay aqoonsiga Somaliland iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed