Masar iyo Soomaaliya oo soo gabagabeeyey wadahadallada farsamo ee ku biirista Qaahira AUSSOM

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa soo gabagabeeyey wadahadallo farsamo oo ku saabsan ka qaybgalka Qaahira ee howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee AUSSOM.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa Axaddii maanta shaacisay in la soo gebagebeysay wadahadallo dhanka farsamada ah oo ay la lahayd Jamhuuriyadda Carabta Masar oo looga hadlayay ka qeybgalka AUSSOM.

“Masar waxaa ka go’an in ay DFS ka taageerto dagaalka ka dhanka ah argagixisada” ayaa lagu yiri war lagu daabacay boga warbaahinta Dowladda.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa carrabaabtay in Masar ay kaalin ka qaadan doonto la dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada sida dalalka kale ee howlgalka ku jirta.

“DFS waxay ogsoon tahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna rajaynaysaa inay gacan ka geystaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dalalka kale ee Saaxiibka la ah Ciiddamadda” ayaa la sii raaciyey.

Madaxweynayaasha Masar iyo Soomaaliya oo bishaan 23-keedii kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed, taasi oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed