Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay ciidamada la keenayo dalka, xilli Qaahira ay soo gabagabeyneyso qorshaha dirista

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadlay qorshaha lagu keenayo ciidamo Masri ah gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona Hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika. Kulankan ayaa ka dhacay shirkii 5-aad ee Aswaan ee Nabadda iyo Horumarka Waara, kaasi oo ay isku arkeen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, Badr Abdelatty iyo Cabdisalaan Cabdi Cali.

Wasiirradu waxay diiradda saareen doorka ciidamada Masaarida ee nabad-ilaalinta Soomaaliya, iyagoo isla gartay in la dardargeliyo qorshaha isku-dubaridka iyo tababarrada ka hor imaatinka ciidanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in shirka lagu heshiiyay in la dhameystiro nidaamka dirista ciidanka “waqti dhow.”

Sidoo kale, Wasaaradda Ariamaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka lagu gorfeeyey arrimaha ku saabsan joogitaanka ciidamada Masar ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSOM).

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warrantay in Masar ay ku dhowdahay inay soo afjarto qorshaheeda ugu dambeeya ee ku aaddan dirista ciidamo Soomaaliya, xilli ay taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo istiraatiiji ah oo u dhexeeya Qaahira iyo Addis Ababa, gaar ahaan khilaafka biyo-xireenka GERD.

Wasiir Badr Abdelatty ayaa ku celiyay in dalkiisa uu ka go’an yahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana ay ciidamadu ka qeyb qaadan doonaan xoojinta amniga guud ee Geeska Afrika.

Horay wafdi Masri ah ayaa u yimid Muqdisho, kuwaa oo tagay baraha iyo saldhigyada ciidanka ladajin doono, taas oo muujinaysa in qorshaha dirista ciidamada Masar uu marayo heerkii ugu dambeeyay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed