Masar ayaa martigelin doonta shir degdeg ah oo Carbeed oo ku saabsan xaaladda Falastiin

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa maanta ku dhawaaqday in Qaahira ay martigelin doonto shir degdeg ah oo ay yeelanayaan waddamada Carabta si ay uga wada hadlaan xaaladda Falastiin.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in shirkan degdegga ah la qabanayo 27-ka Febraayo, 2025, kaddib wadatashi iyo isku dubarid ay Masar la samaysay Boqortooyada Baxrayn oo haatan guddoominaysa shirka Jaamacadda Carabta iyo Xoghaynta Guud ee ururkaas.

Go’aanka lagu qabanayo shirkan ayaa waxaa la gaaray kaddib wadatashi sare oo ay Masar la yeelatay waddamada Carabta maalmahan, oo ay ku jirto Dawladda Falastiin oo codsatay shirka, si wax looga qabto xaaladaha cusub iyo kuwa khatarta leh ee la xiriira arrinta Falastiin, sida lagu xusay bayaanka.

Sabtidii, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay wado dadaallo Carbeed iyo kuwo caalami ah oo lagu doonayo in lagu dhiso dowlad Falastiini ah.

Wuxuu sidoo kale u sheegay warbaahinta Masar, in tallaabooyinka Carbeed ay diiradda saarayaan in laga hortago sheegashada Israa’iil iyo in la xaqiijiyo mabda’a xalka laba dowladood, isagoo xusay in mowqifka Carabta uu mideysan yahay isla markaana uu ka soo horjeedo arrinta barakicinta.

Talaadadii la soo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shir jaraa’id oo uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu ka sheegay dalkiisu uu damacsan yahay in uu la wareego Gaza islamarkaana uu barakiciyo Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Gaza una raro dalal kale.

Balse Jimcihii ayuu Trump sheegay inuusan “dagdag u wadin” qorshahan, kaddib carro caalami ah oo ka dhalatay hadalkiisa.

Laga soo bilaabo 25-kii Janaayo, Trump wuxuu celcelinayay qorshe lagu barakicinayo Falastiiniyiinta Gaza loona rarayo dalalka deriska la ah sida Masar iyo Urdun, kuwaasoo si adag u diiday qorshahan, iyada oo dalal kale oo Carbeed iyo hay’ado caalami ah ay iyaguna diideen.

19-kii Diseembar, heshiis xabbad-joojin ah oo u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil, laguna salaynayay is-weydaarsiga maxaabiista, ayaa dhaqan galay, kaddib dhexdhexaadin ay sameeyeen Qatar, Masar iyo Maraykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed