Masuuliyiinta & khubarada wadanka Masar ayaa si adag uga falcelisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee uu ku dalbaday in maraakiibta ganacsiga iyo ciidamada Maraykanka loo oggolaado inay si lacag la’aan uga gudbaan kanaallada Suways iyo Panama iyaga oo aan bixin wax lacag ah oo laga qaado maraakiibta ka ka gudbaysa marin biyoodyadaas muhiimka ah.
Khubaro iyo mas’uuliyiin Masaari ah ayaa si kulul u cambaareeyay codsigan, iyaga oo ku tilmaamay inuu yahay jebin cad oo lagu sameeyay heshiisyada caalamiga ah iyo fara-gelin lagu sameeyay madax-bannaanida Masar.
Kanaalka Suways ayaa weli ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Masar, isagoo si weyn ugu biiriya dhaqaalaha qaranka. Inkasta oo dakhliga kanaalka uu sanadkii maaliyadeed ee la soo dhaafay hoos ugu dhacay $7.2 bilyan —halka uu ka ahaa sanadkii ka horeeyey uu ahaa $9.4 bilyan.
Kanaalka Suways wuxuu fududeeyaa inta u dhaxaysa 12% ilaa 15% ganacsiga badda ee caalamiga ah, halka ganacsiga Maraykanku uu ka yahay qiyaastii 3% oo kaliya.
Ilo xog-ogaal u ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maraakiibta Maraykanka ay ka yihiin 10% ilaa 20% maraakiibta sanadkiiba ka gudubta kanaalka, iyadoo laga qaado lacag u dhaxaysa $400,000 ilaa $700,000 oo doolar markabkiiba. Haddii la aqbalo dalabka Trump, waxa ay si weyn u dhaawici doontaa taasi dhaqaalaha Masar, iyadoo si toos ah loo luminayo ilaha dakhliga muhiimka ah.
Kaptan Amr Kataya, madaxa shirkadda Zenith Enterprise, ayaa si cad u diiday wax rukhso gaar ah oo la siiyo maraakiibta Maraykanka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Kanaalka Suways uu yahay goob ay Masar leedahay oo madax-bannaan, isla markaana uu hoos yimaado sharciyada gudaha, gaar ahaan Xeerka Madaxtooyada Lambar 30 ee soo baxay sanadkii 1957-dii, kaas oo waajibinaya in dhammaan maraakiibta laga qaado lacagta lagu xisaabiyo culeyskooda, iyada oo aan loo eegin nooca markabka.
Professor cilmiga siyaasadda Dr. Hassan Salama ayaa ku tilmaamay dalabka Trump inuu yahay “musuq siyaasadeed,” isagoo xusay in uu jabinayo xeerarka caalamiga ah ee nidaamiya maraakiibta mara kanaalka Suways. Waxa uu intaas ku daray in Maraykanku uusan wax taariikh ah ku lahayn dhismaha kanaalka Suways, taas oo ka duwan kanaalka Panama oo Maraykanku door weyn ku lahaa dhismihiisa. Sidaas darteed, wax sabab sharci ah uma bannaan Maraykanka inuu dalbado xuquuqo gaar ah.
Khabiirka sharciga caalamiga ah Dr. Maxamed Maxmuud Mahran ayaa isna dhaliilay hadallada Trump, isagoo tilmaamay Heshiiskii Constantinople ee 1888-dii oo xaqiijinaya xaqa Masar ay u leedahay inay si siman oo caddaalad ah uga qaaddo dhammaan maraakiibta maraanka khidmadaha. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Kanaalka Suways uusan ahayn oo kaliya marin badeed caalami ah, balse uu yahay qeyb dhuleed oo Masar ka mid ah.
Khubarada ayaa isku raacay in hadallada Trump ay dhaawacayaan xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay muujinayaan dadaallo lagu cadaadinayo Masar iyadoo xiisadaha gobolka ay aad u sareeyaan, taasoo ah faragelin toos ah oo lagu hayo madax-bannaanida dalka Masar ee mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida.
HBN ONLINE TV