Markabkii ugu horreeyay ee Soomaaliya laga diiwan galiyay oo calanka dalka qaatay ku dhowaad 40 sano

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay si rasmi ah u diiwaangelisay markab ganacsi oo lagu magacaabo “Guney”, kaas oo qaatay calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna diiwaangashan lambarka IMO 8230417, xili la soo bandhigay isaga oo uu ku dulbabanayo calanka dalka.

Tallaabadan ayaa noqoneysa mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladnimada kadib in Soomaaliya ay si rasmi ah u bilowdo diiwaangelinta iyo calansiinta maraakiibta ganacsiga.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in guushan ay timid kadib markii la dhameystiray dhammaan shuruucdii iyo habraacyadii lagama maarmaanka u ahaa diiwaangelinta maraakiibta, taas oo muujineysa dadaalka lagu horumarinayo loona casriyeynayo waaxda badda.

Diiwaangelinta markabkan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo sidoo kale fursado cusub u abuureysa ganacsiga badda iyo maalgashiga.

Dowladda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan nidaamkan cusub, si ay uga qeyb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga badda ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed