Markabka qodista Shidaalka Soomaaliya ee Turkiga oo xogo cusub kasoo bexeen

Markabka qodista shidaalka Turkiga ee Çağrı Bey ayaa la filayaa inuu bilaabo howlgalladiisa sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya bishaan aan ku jirto ee Febraayo, sida uu shaaciyay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Wasiirka ayaa sheegay in markabku uu ka soo ambabixi doono dekedda Mersin Taşucu, isla markaana uu u safri doono Soomaaliya, si loo bilaabo raadinta shidaal iyo gaas dabiici ah. Howlgallada qodista laftooda ayaa la qorsheeyay inay bilaabmaan bilaha Abriil iyo May ee sanadkan 2026.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa sugaya ammaanka markabka, iyadoo maraakiib ay ka mid yihiin TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra ay bixin doonaan taageero dhinaca saadka iyo amniga ah, gaar ahaan badaha Gulf of Aden iyo kuwa Carabta (Arabian Sea).

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in Ankara looga dhigo dal tamar ahaan ka madaxbannaan dibadda, isla markaana lagu xoojinayo iskaashiga tamareed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Horey, markabka sahminta seysmiga ah ee Turkiga Oruç Reis ayaa sahanno ka sameeyay biyaha Soomaaliya, waxaana xogtii la ururiyay hadda loo gudbiyay marxaladda qodista.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa tilmaamay in sanadkan 2026 uu noqon doono sanad helitaan iyo horumar weyn oo dhanka tamarta ah, iyadoo sahmin lagu sameynayo gudaha Turkiga iyo dalal ay Soomaaliya ku jirto.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed