Markabka Hubka siday ee lagu qabtay xeebaha Puntland oo caawa ku xirtay dekadda Boosaaso

Sea World oo ah Markab siday shixnad saanad Ciidan oo lagu qabtay xeebaha Puntland ayaa galabta ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso. Ilo-amaanka maxalliga ah ayaa xaqiijiyay in markabka hadda si adag loo ilaalinayo.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa tilmaamay in markabku dekedda Boosaaso u yimid si loo baaro xamuulka iyo dukumentiyada la socda.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa farriiin kooban oo qoraal ah oo uu soo bandhigay baraha bulshada wuxuu ku yiri “Markab hub sida oo dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka Puntland qabteen amaankiisa ayaa la sugayaa, waana la baarayaa wixii ka soo kordha waanu la wadaagidoonaa saxaafada”.

Wuxuu sheegay inay socdaan “baaritaan Markabka iyo Hubka uu sido, wixii faahfaahin ahna Waa inoo wakhtigeeda”.

Sidoo kale, warar caawa soo baxay ayaa sheegaya in taliyihii ciidanka PMPF ee degmada Caluula Jaamac Axmed Muumin oo loo yaqaan Kambaala Yare in la xiray, taliyahan ayaa sheegay in uu ahaa masuulka u xilsaarnaa amniga markabka, kaas oo galabta kusoo xirtay dekedda Boosaaso.

Xariga taliye Kampala iyo shaqo joojinta saraakiisha kale ee Puntland ayaa lala xariirinayaa hubkii lagala deggay markabkaas, kaas oo Xukuumadda Puntland ka carootay.

Markabkan oo lagu magacaabo Sea World, ayaa ku gooshayay calanka Jasiiradaha Comoros. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo maxalli ah, wuxuu siday hub casri ah oo ay ka mid yihiin gaadiidka gaashaaman (APCs) kuwaasi oo tiradoodu lagu sheegay 36, qoryaha lidka diyaaradaha, iyo agab kale oo ciidan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed