Markab xoolo siday oo ka baxay Puntland oo lagu weeraray xeebaha Badda Cas ee Yemen

Markab xamuul ah oo xoolo sida – kana baxay dekedda Boosaaso ee gobolka bari ee Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu weeraray xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen, sida laga soo xigtay xogta raad-raaca maraakiibta & ilo dhinaca maraakiibta ah.

Markabka oo lagu magacaabo Merinos Livestock ayaa Boosaaso ka shiraacday 21-ka Luulyo, isagoo ku sii jeeday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana weerarku ka dhacay qiyaastii 35 mayl badeed koonfur-galbeed aag ka xigta magaalada Xudeyda ee Yemen.

Sida uu sheegay kabtanka markabka, weerarka waxaa fuliyay kooxo hubeysan oo saarnaa dooni alwaax ka sameysan, kuwaasoo rasaas ku furay markabka, kuna amray inuu u jeesto magaalada Mokha ee Yemen. Markabka ayaa kadib sameeyay rogaal-celin dhan 180-degree – wuxuuna hadda u socdaalaayaa Mokha, inkasta oo halkii laga waday ay ahayd Jiddah.

Khabiirro dhinaca maraakiibta ah ayaa sheegay in Merinos Livestock uu marayay meel bari kaga beegan jasiiradaha Xanish, meel ka baxsan marinka rasmi ah ee nabadgalyada badda (Maritime Security Transit Corridor – MSTC), taasoo laga yaabo inay sababtay weerarka.
Markabkan waxaa iska leh oo maamula shirkadda IMS Greece Company oo fadhigeedu yahay dalka Giriiga, waxaana uu ku gooshaa calanka jasiiradda Komoros.

Ilo rasmi ah kama aysan warin dhaawacyo ama khasaare kale, hase yeeshee xaaladda markabka ayaa wali si dhow ay ula socdaan hay’adaha amniga badda. Weerarkan wuxuu muujinayaa halista sii kordheysa ee ka jirta marin-biyoodka Badda Cas ee maraakiibta ganacsiga, iyadoo ay weli jirto xaalad xasilooni darro ah oo ka taagan xeebaha Yemen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed