Markab shidaal oo Imaaraadka laga leeyahay oo lagu qafashay xeebaha Yemen, kaasi oo loo soo weeciyay Badda Soomaaliya

Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay in markab shidaal oo lagu magacaabo M/T Eureka oo Imaaraadka laga leeyahay lagu qafashay xeebaha gobolka Shabwa, kadib markii kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan ay la wareegeen.

Wararka ayaa tilmaamaya in rag hubaysan ay markabka fuuleen, ayna si buuxda u qabsadeen, kadibna ay u jiheeyeen dhanka Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay in la helay goobta uu markabku ku sugan yahay, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu daba-galayo, laguna doonayo in markabka dib loo soo celiyo, isla markaana la xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha saarnaa.

Dhanka kale, Hay’adda badaha UK ee UKMTO ayaa hore u soo warisay dhaqdhaqaaq shaki leh oo laga dareemay meel qiyaastii 84-mile koonfur-galbeed uga beegan dekedda Mukalla ee dalka Yemen, iyadoo lagu arkay doonyo yaryar oo ku soo dhowaaday markab kale oo ganacsi.

Ilaa hadda lama xaqiijin in dhacdada UKMTO soo warisay inay si toos ah ugu xiran tahay qafaalashada markabka M/T Eureka ee xeebaha Yemen.

Si mid ah, hay’adda ammaanka baddaha Soomaaaliya iyo la howlgalayaasheeda ma aanay soo gudbin war degdeg ah oo arintan ku aadan.

HBN ONLIN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed