Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa markab xamuul ah oo lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee Puntland, kaasoo siday hub culus. Markabkan oo lagu magacaabo Sea World ayaa watay calanka dalka Comoros, waxaana uu ka soo shiraacday dalka Turkiga.
Sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen, markabkan ayaa waxaa saameeyay dabeylo ka kacay Badda Cas, taasoo sababtay inuu maciin bido xeebaha Puntland, gaar ahaan Bareeda. Halkaas ayey ku qabteen Ciidamada Badda Puntland, kuwaasoo ka shakiyay shixnada saaran markabka.
Xogta laga helayo gudaha markabka ayaa muujinaysa inuu siday hub iyo saanad ciidan oo culus, oo ay ka mid yihiin gaadiid gaashaaman, kuwaasoo qaar ka mid ah ay ka muuqdeen calanka Turkiga. Sawirro iyo muuqaallo laga qaaday hubkan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay dareen iyo su’aalo badan.
Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in markabku qorshuhu ahaa inuu gaaro dekadda Muqdisho 21-ka bishan Luulyo, si uu uga dejiyo shixnadiisa hubka ah.
Dhinaca kale, warar laga helayo magaalada Caluula ee isla gobolka Raas Casayr ayaa tilmaamaya in maleeshiyaad hubaysan ay weerar ku qaadeen xerada ciidamada badda Puntland, halkaas oo la sheegay in la dhigay qaar ka mid ah hubkii laga dejiyay markabka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in xerada aysan joogin ciidan ku filan oo ilaalo ah, maadaama intooda badan ay ku sugnaayeen agagaarka markabka la qabtay.
Illaa iyo hadda Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin xaaladda markabkan iyo shixnada uu sido.
Waxaa la filayaa in markabka loo wareejiyo dekadda Boosaaso, halkaas oo lagu wado in si rasmi ah loogu soo bandhigo hubka saaran, iyadoo laga sugayo caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan halka uu hubkani ku wajahnaa iyo cidda loogu talagalay.
Wixii kusoo kordha kala soco HBN ONLINE TV