Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xirtay Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee dalka Turkiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taliska ciidanka xoogga dalka iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Markabka dagaalka TCG SANCAKTAR oo ka mid ah maraakiibta dagaalka Turkiga ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiiru dowladda gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ku booqday Dekadda.

“Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha CXD, si loo xoojiyo amniga badda, loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda” ayey tiri wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Booqashada waxaa Wasiiru-Dowlaha iyo Taliyaha ku wehliyay sida la sheegay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha CXD, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Imaanshiyaha Markabkan dagaal ee Turkiga wuxuu ku soo aadayaa iyada oo horaantii bishaan Muqdisho ay bandhig dhoolatus duulimaad ay ku sameeyeen 3 diyaaradaha F-16 ah oo Ankara leedahay, kuwaa oo la sheegay in Ciidamada dowladda ka caawin doonaan dagaalka ka dhan ah Alshabaab.

HBN ONLNIE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed