Markab dagaal oo hor leh oo Talyaanigu leeyahay ayaa ku biiray hawlgalka badda ee Midowga Yurub ee Badda Cas, si loo xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo marinnada ganacsiga caalamiga ah oo muddoyinkii u dambeeyay Xuutiyiinta Yaman weeraro ka wadeen.
Markabka dagaalka Martinengo, eeTalyaaniga, wuxuu hadda qayb ka yahay Hawlgalka Aspides, oo ah barnaamijka Midowga Yurub ee lagu sugo ammaanka badda, looguna talagalay in lagu ilaaliyo maraakiibta ganacsiga ee maraya waddooyinka badda ee muhiimka ah.
Bayaan lagu daabacay baraha bulshada ee hawlgalka ayaa lagu yiri “Waxaan si diirran u soo dhaweynaynaa markabka dagaalka ee Talyaaniga ITS Martinengo iyo shaqaalihiisa, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaari doona hawlgalkayaga, iyagoo taageeraya xorriyadda maraakiibta inay si nabad ah u gudbaan aagga hawlgalka.”
Markabka Talyaaniga ayaa yimid maalmo uun kadib markii kooxda Xuutiyiinta ay shaaciyeen inay yareynayaan weerarradooda badda, kadib heshiis xabbad-joojin ah oo ku saabsan dagaalka Marinka Gaza.
Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa mar kale xaqiijiyay in Hawlgalka Aspides uu yahay mid si buuxda difaac ah, kaasoo lagu xoojinayo xasilloonida gobolka iyo ilaalinta ganacsiga caalamiga ah. Hawlgalka ayaa weli ka go’an inuu badbaadiyo maraakiibta iyo shaqaalahooda, isla markaana dib u soo celiyo amiga marin nabdoon oo ay isticmaali karaan markabka ganacsiga ee ka shaqeeya gobolka, sida hadalka loo dhigay,
Xuutitiinta ayaa sheegay in ay joojinayaan weerarka ay ku hayaan maraakiibta dhamaan dalalka caalamka marka laga reebo kuwa Israa’iil u socdaa ma kuwa u kiraysan shirkadaha Israa’iil, waxay kaloo sheegeen inay ka fakarayaan tilaabada ay ka qaadi doonaan maraakiibta Mareykanka ka dib markii maamulka Trump uu ku dhawaaqay in ururka reer Yaman lagu daray liiska waxa loogu yeero argagixisada.
HBN Online TV