Dowladda Maryakanka oo ka warbixisay kaalmada ay ku caawiso Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordhisay sahayda ay siiso dalka si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo.
Maraykanka ayaa sanadkaan Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale lagu caawinayo dadka nugul, taasi oo gaareysa $29 Milyan oo doollar oo loo soo marin doono sida hadalka loo dhigay Hay’adda USAID ee taakulada u qaabilsan.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa sheegay in caawinaaddii hore wax badan ka tartay Soomaaliya, sidaas awgeed lagama maarmaan ay tahay in la kordhiyo garab istaagga bani aadamnimo ee lagu gacan qabanayo guud ahaan Dalka.
“Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 Bilyan oo gargaar naf badbaadin ah, si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan, Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa Kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunno la’aanta & nafaqo darrada” ayuu yiri Richard H. Riley.
Sida oo kale waxaa uu sheegay in Mareykanka uu u balan qaadayo Soomaaliya laba barnaamij si ay kaga faa’iideystaan.
“Munaasabadda Daah-furka 2 barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan Shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya” ayuu raaciyey Riley.
Xukuumadda Washington ayaa uu dhowr jeer u ballanqaaday Muqdisho kaalmo ay ku tilmaamtay in lagu xoojinayo cilaaqaadka ay la wadaagto dhiggeeda.
HBN ONLINE TV