Warkaalada wararka Reuters ayaa soo xigatay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in ciidankoodu fuliyeen weerar cusub oo lagu qaaday doon lagu tuhunsan yahay inay siday maandooriye, taas oo maraysay xeebaha Venezuela.
Sida uu sheegay sarkaalka la hadlay Reuters, waxaa la helay dad ka badbaaday weerarka oo ka mid ah shaqaalaha doonida la bartilmaameedsaday habeenimadii xalay.
Kahor hawlgalkan, duqaymo hore oo ay Mareykanku ka fuliyeen xeebaha Venezuela si ay ula dagaallamaan doonyo lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga daroogada ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 27 qof, taas oo walaac gelisay qaar ka mid ah khubarada dhanka qaanuunka iyo xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo su’aal ka keenay in hawlgalladaasi ay waafaqsan yihiin xeerarka dagaalka.
Weeraradani waxay kusoo beegmeen iyadoo Mareykanka uu kordhiyay joogitaankiisa milatari ee xeebaha Caribbean -ka , waxaana halkaas la geeyay maraakiib dagaal oo gantaal, diyaaradaha dagaalka ee F-35, gujis xambaarsa qumbulad nukliyeer ah, iyo ku dhawaad 6,500 askari, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu sii xoojinayo colaada kala dhaxeysa dawladda Venezuela.
Docda kale, wargeyska Wall Street Journal ayaa shaacisay in Mareykanka uu dhigay hub aad u casri ah xeebaha Caribbean -ka iyo hawada waqooyiga Venezuela, waxayna sheegtay in Waaxda Dagaalka ay dirtay unugyo khaas ah oo ka tirsan ciidamada howlgalada gaarka ah, oo ay ku jirto cutubka 160-aad ee duulimaadyada qarsoon.
Cutubkan ayaa fuliya hawlgallo badan oo sirdoon ah, wuxuuna caan ku yahay ka qaybgalka howlgalka lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Osama bin Laden, isagoo adeegsanaya helikobtarro waaweyn oo loogu talagalay qaadista weerarrada.
Warbixin ay The Washington Post daabacday ayaa muujisay in ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay sameeyeen duulimaadyo hubaysan oo ka dhacay biyaha Caribbean -ka , qiyaastii 140 kiiloomitir u jira xeebaha Venezuela.
Wargeyska ayaa soo xigtay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in helikobtarradaasi ay qayb ka ahaayeen dhoolatus milatari oo laga yaabo inay hordhac u yihiin ballaarinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha lagu tuhunsan yahay maandooriyaha, taasoo ay ka mid noqon karaan howlgalyo gudaha Venezuela.
Xukuumaddii Trump ayaa sheegtay in Mareykanku uu dagaal kula jiro kooxo ku lug leh waxa ay ugu yeertay “argagixisada daroogada” ee Venezuela, sidaas darteedna ay duqaymaha qaanuun yihiin. Mas’uuliyiinta Trump ayaa ku dooday in weerarrada dhimashada keena ay lama huraan yihiin, maadaama dadaalladii hore ee lagu qabanayay shaqaalaha iyo badeecooyinka la soo qabtay aysan joojin qulqulka daroogada ee soo galaya Mareykanka.
Arbacadii hore, Trump ayaa shaaciyay inuu CIA-da siiyay oggolaansho ay ku fuliso hawlgallo qarsoon gudaha Venezuela, taas oo keentay saadaalin iyo tuhuno ku saabsan in Mareykanku doonayo inuu afgembiyo Madaxweyne Nicolás Maduro.
Warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, safiirka Venezuela u fadhiya QM, Samuel Moncada, ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay inay duqaymaha Mareykanka ee xeebaha dalkiisa u aqoonsato kuwo qaanuunka ka baxsan, isla markaana ay soo saarto bayaan taageeraya madax-bannaanida Venezuela.
Safiirku wuxuu ku eedeeyay Washington inay dishay ugu yaraan 27 qof oo ku saarnaa “maraakiib rayid ah oo marayay biyaha caalamiga ah.”
Isla wararkan, Madaxweyne Ku-xigeenka Venezuela Delcy Rodríguez ayaa beenisay warbixin saxaafadeed oo sheegaysay inay wadahadallo la wado Mareykanka si meesha looga saaro madaxweyne Maduro.
Tani waxay timid kadib markii wargeyska Miami Herald uu qoray in Rodríguez iyo walaalkeed Jorge ay bilaabeen wadahadallo sir ah oo ay la leeyihiin Washington si xukunka looga qaado Nicolás Maduro, iyagoo beddelkeeda doonaya inay xilka sii hayaan.
Rodríguez ayaa ku qortay barteeda Telegram:
“Waa been!! Warbaahinta ayaa lagu daray qashinka dagaalka maskaxeed ee ka dhanka ah shacabka Venezuela. Ma laha akhlaaq iyo damiir midna, waxayna faafinayaan keliya been.”
Waxay farriinteeda ku dartay sawir ay la taagan tahay Madaxweyne Maduro, iyadoo qoraal ku lifaaqan yahay oranaya: “Wadajir, midnnimo, annaga iyo Madaxweyne Maduro.”
Warqabadka HBN Online TV