Kulanka looga hadlayey xaalada soomaaliya ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Safiirada Dalalka Turkiga iyo Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray Ammaanka iyo taageerada la siiyo dowladdaa sida warka ka soo baxay lagu sheegay.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa sheegay in uu safiirka Turkiga Alper Aktaş uu kala hadlay isku xirka dadaallada lagu taageerayo horumarinta iyo amniga ee Soomaaliya, iyada oo labada masuul ay hoos ka xariiqeen sida ay muhiim u tahay wada shaqeynta dhaxdooda ah iyo garabsiinta Dalka ay ku suganyihiin.
Dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga oo ah dalalka ugu dhow ayaa sheega in kaalin wayn ka ciyaaraan xaalada nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, waxaana Turkigu uu haatan wadaa qorshe lagu soo saarayo saliida iyo gaaska Soomaaliya.
HBN ONLINE TV