Dowladda Mareykanka ayaa xog dheer ah ka bixisay duqeyntii lagu dilay hogaaamiye sare oo ka tirsan Alshabaab iyo xubno kale oo kooxda ka tirsan, weerarkaasi oo ka dhacay meel u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu faahfaahiyay galka nolosha Maxamed Mire, waxaana la sheegay in muddo 15 sano uu ka mid ahaa hoggaanka Alshabaab , isagoo mas’uul ka ahaa sida hadalka ay u dhigeen maamulka kooxda ee gobollada Soomaaliya.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Mire ku lug lahaa qorsheynta, maalgelinta, iyo fulinta weeraro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya, oo ay ku jiraan weerarradii Westgate Mall ee Nairobi sanadkii 2013 iyo kii DusitD2 ee sanadkii 2019. Weerarkii Westgate waxaa ku dhintay 67 qof, halka weerarkii DusitD2 uu galaaftay 22 qof.
Maxamed Maxamuud Jaamac Mire oo loo yaqiin Maxamed Mire ama Abuu Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale soo noqday masuulka arrimaha gudaha u qaabulsan kooxda, isagoo door weyn ku lahaa go’aan-qaadashada istiraatiijiyadda Alshabaab.
Intii uu Alshabaab ka tirsanaa, Mire wuxuu qabtay jagooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxa waaxda dhaqaalaha iyo madaxa maamulka gobollada. Waxyaabahaan ayaa ka dhigay mid ka mid ah sida warka loo yiri xubnaha ugu muhiimsan ee kooxda.
Bayaanka AFRICOM wuxuu sheegay in duqeynta lagu dilay Mire oo dhacday 24 ilaa 25 december xili habeen ah aysan waxyeello gaarsiin shacabka, iyadoo uu Mareykanku ku adkeystay inuu sii wadi doono dadaallada ka dhanka ah Alshabaab.
Taliyaha AFRICOM General Michael Langley ayaa sheegay in duqeyntani ay qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro kooxdan oo reer galbeedku ku tilmaamaan argagixisada Soomaaliya.
Sanadkii 2022-kii Mareykanka ayaa Mire u aqoonsaday xubin ka mid ah waxa loogu yeero argagixisada caalami ah, isaga oo lagu daray liiska dadka la bartilmaameedsanayo ee xiriirka la leh Alshabaab.
“Mire wuxuu ku jiray liiska xubnaha ugu halista badan ee kooxda, sida Yasir Jiis, oo madax u ahaa sirdoonka Amniyaat iyo Mustaf Abdi Aden oo ahaa maskaxdii ka dambeysay sida Mareykanku tilmaamay weerarkii DusitD2 ee Nairobi”, sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka.
Sida oo kale wuxuu ku jiray liis cunaqabateyn ah uu soo saaray guddiga Soomaaliya ee la dagaalanka lacagaha sharci-darrada ah bishii Luulyo 2023. Mareykanka ayaa hore ugu guuleystay dilka madax kale oo muhiim ah, sida Macalim Ayman, oo lagu dilay duqeyn dhacday 2023-kii.
Dowladda Soomaaliya ayaa war ay iyadana ka sii daysay dilka Abuu Cabdiraxmaan ku carrabowday in lagu xasuusto inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Alshabaab sanadkii 2009-kii, kadibna uu soo qabtay qeybta qaadista lacagaha iyo qaybta maleeshiyaadka.
Alshabaab oo xogta dilka Maxamed Mire bayaan ka soo saartay ayaa sheegtay duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay.
HBN ONLINE TV