Mareykanka oo war ka soo saaray hawlgallada Puntland ee ka dhanka ah Daacish

Safaarada Mareykanka ayaa war rasmi ah ka soo saartay hawlgallada Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, kuwaas muddo sanad ku dhow ka socda deegaanno ka tirsan waqooyi-bari Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley iyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika (USSOCAF), Jeneraal Claude Tudor ayaa magaalada Boosaaso kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana dhinacyadu ka wadahadleen arrimaha taagan iyo qaabka howlgalka socda loo sii laba jibaarayo.

Mareykanka ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Puntland ku wajahayso Daacish iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka badda, isagoo sheegay in ciidamada maamulka ay yihiin safka hore ee dagaalka, halka Mareykanku uu bixiyo taageero iyo awood gaar ah.

Awoodda ayaa ah in Washington ay bixiso saadka iyo sahan, halka ay fuliso duqeymaha waa weyn iyo in ciidamada ka caawiso adeegyada goobaha ay ku sugan tahay Daacish.

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu carrabaabay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagixisada uusan kaliya khatar ku ahayn Soomaaliya, balse uu saamayn ku leeyahay gobolka oo dhan iyo amniga caalamka.

Mareykanka ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo isku-duwid amni oo mideysan si loo xaqiijiyo xasilloonida gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed