Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa ku dhawaad laba jibaarmay baaxadda sanadkii la soo dhaafay, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM.
“Waxaan ka walaacsanahay qaybta waqooyi ee Soomaaliya iyo Daacish oo tiradoodu sii kordhayso,” Taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley ayaa ku yiri wareysi gaar ah, isaga oo u isticmaalaya soo gaabin kooxda.
Langley waxa uu diiday in uu bixiyo qiyaasta Maraykanka ee tirada dagaalyahanada Dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya jooga, marka laga reebo in uu sheegay in kooxdu ay ku kortay “laban laab” sannadkii la soo dhaafay.
Qiyaastii hore ayaa lagu sheegay in tirada dagaalyahanada Daacish ee waqooyiga Soomaaliya ay gaarayeen ilaa 200 oo dagaalyahan.
Taliyaha AFRICOM ayaa sida oo kale ka digay suurtagalnimada in Daacish ay kordhiso joogitaanka dagaalyahanada shisheeye ee Soomaaliya soo galineyso.
Sareeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen, Taliyihii hore ee Nabad sugidda iyo Booliska Puntland, oo ka hadlayey goobaha Daacish kaga sugan tahay Waqooyiga dalka, ayaa warbaahinta reer galbeedka u sheegay in tirada dagaalyahannada Ajaanibka ah ee Daacish ee halkaas ku sugan oo keliya lagu qiyaasay sida uu carrabka ku dhuftay boqollaal dagaalyahan.
Tiradan wali ma aysan xaqiijin maamulka deegaanka ee Puntland.
Sarkaal Mareykan ah ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay bishii June in Cabdulqaadir Muumin oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, lagu bartilmaameedsaday duqeyn uu Mareykanku ka geystay bishii May. Muumin ayaa u muuqda inuu ka badbaaday sida goor dambe ilo sirdoon soo tabiyeen.
HBN ONLINE TV

