Mareykanka oo sheegay in boqollaal askari oo ka socda Kuuriyada Woqooyi lagu dilay dagaalka xadka Ukraine & Ruushka

Aqalka Cad ee looga arrimiyd dalka Mareykanka ayaa shaaciyay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay khasaare culus kala kulmeen dagaallada jiida hore ee Ruushka iyo Ukraine. Afhayeenka Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000 askari oo Kuuriyada Waqooyi ka socda la dilay ama la dhaawacay toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya gobolka Kursk ee Ruushka, inkastoo aysan jirin cid madaxbannaan oo warkan xaqiijisay.

Tani waxay ka badan tahay tiradii horey loo sheegay oo ahayd boqolaal, sida ay tilmaameen saraakiisha Mareykanka. Kirby wuxuu sheegay in saraakiisha milatariga Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay ciidamadaasi u adeegsanayaan weerarro halis ah oo ka dhan ah difaacyada Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa xalay sheegay in ciidamada Woqooyiga Kuuriya ay khasaare aad u xooggan la kulmeen. Zelensky ayaa ku andacooday in aan wax naxariis ah laga muujin nolosha askarta Kuuriyada Waqooyi, waa sida hadalka uu u dhigay, isla markaana aysan jirin doonis muuqata oo ka imaanaysaa saraakiisha Ruushka iyo kuwa Woqooyiga Kuuriya ee lagu badbaadinayo askartaasi. Wuxuu xusay in ay jiraan xaalado askarta lagu toogto marka ay isku dayaan inay baxsadaan ama is dhiibaan, iyadoo Ruushka uu ku amrayo askartaasi inay dagaalka galaan iyada oo aan loo diyaarin difaac ku filan oo ay ku gambadaan.

Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii Juun ee sanadkan kala saxiixday heshiis iskaashi istiraatiiji ah si ay si dhaqso ah isugu taageeraan haddii midkood la soo weeraro. Si kastaba ha ahaatee, wararka sheegaya dhimashada in ka badan 3,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ka socda oo lagu dilay dagaalka ka socda gobolka Kursk tasi oo kordhisay walaaca laga qabo taageerada milatari ee sii xoogeyneysa.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed