Mareykanka oo maraakiib uu ka mid yahay gujis nukliyeerka xambaara u diray Bariga Dhexe

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa amar ku bixiyay in markabka gujiska badda quusa oo ay ku rakiban yihiin gantaallada la hago la geeyo bariga dhexe, sida ay shaacisay waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee the Pentagon-ka, iyadoo tani ku soo aadayso xiisadda gobolka oo kacsan ayna suurtagal tahay weeraro Iran iyo xulafadeedu ku qaadaan Israaiil ka dib dilkii xubno sare oo ka tirsan Xamaas iyo Xisbullah.

Mareykanka ayaa mar horeba gobolka waxaa ka joogay raxan maraakiibta dagaalka ah oo uu ka mid yahay markabka gujiska ah ee USS Georgia, oo xambaara gantaalaha nukliyeerka, sida lagu sheegay qoraal militariga Mareykanka ah oo lagu daabacay baraha bulshada, waxay ahayd tallaabo naadir ah in si cad loo shaaciyo in markabkaasi la geeyay Bariga Dhexe.

Go’aanka ka soo baxay Lloyd Austin ayaa yimid ka dib markii uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Israel, Yoav Gallant.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in raxanta maraakiibta wax duqeysa ee uu hormuudka u yahay markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee Abraham Lincoln si deg deg ah gobolka loogu diro.

“Xoghaye Austin wuxuu ku celiyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka inay qaadaan tillaabo kasta oo suurtagal ah si ay u difaacaan Israa’iil, wuxuuna xusay xoojinta awoodda militariga Mareykanka ee guud ahaan Bariga Dhexe iyadoo loo eegayo xiisadaha gobolka ee sii kordhaya,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay waaxda gaashaandhiga Mareykanka oo loo gudbiyay wakaalada wararka ee Reuters.

Militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in ay Bariga Dhexe geyn doonaan diyaarado dagaal iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah xilli Washington ay dooneyso in ay xoojiso difaaca Israel.

Ismaaciil Haniyeh oo ahaa hogaamiyihii siyaasadda ee ururka Xamaas ee ay Iran taageerto ayaa lagu dilay caasimadda Iran ee Tehran 31-kii bishii July, weerarkaas oo keenay hanjabaado ah inay Iran ka aargoosanayso Israa’iil oo dagaal kula jirta kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ee Gaza. Iran ayaa ku eedaysay Israa’iil dilka balse Israa’iil wali ma sheegan mas’uuliyadda khaarajinta Haniyah.

Falka haniyah lagu qaarijiyey iyo dilkii taliyihii sare ee militariga kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto, Fu’aad Shukr, oo ay Israa’iil ku dishay duqaymo ay ka geysatay Beyruut, ayaa sii hurisay welwelka colaadda Qaza oo isu beddelaysa dagaal ballaadhan oo Bariga Dhexe ah.

Iran ayaa sheegtay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay dilka Haniyeh sababtuna ay tahay taageerada ay siiso Israa’iil.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed