Mareykanka oo ku celiyay in la joojiyo dagaalka Laascaanood

Dawlada Mareykanka ayaa mar kale ku celisay in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo xooggag hubaysan oo ka soo horjeeda oo deegaanka ka soo jeeda.

War kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi & Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle.

“Maraykanku oo qayb ka ah beesha caalamka ee ku baaqaysa xabbad-joojin degdeg ah oo  shuruud la’aan ah iyo gargaar bini’aadantinimo oo aan la carqaladayn”

Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka ayaa ku soo aadayaa iyadoo xalay kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay Soomaaliya lagu soo qaaday dagaalka Laascaanood oo la sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof, tiro intaasi ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed