Mareykanka oo ka hadlay xiisadda Jubbaland & arrimaha doorashooyinka qof & cod

Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Richard Riley oo Muqdisho kaga qeyb galay dood dadweyne ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Maaulka Jubaland uu noqon karo mid colaadeed, kaasi oo sababi kara dhibaato kooxaha ka soo horjeeda ay fursad kaga heli karaan.

Waxaa uu sheegay in in ay ka faa’ideysan doonto khilaafkan u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland kooxda Al-Shabaab.

“Safaaradda Mareykanka iyo beesha caalamka waxaan isha ku haynaa wax walba oo ka socda Jubaland. Waana eegaynaa, aad baana uga walaacsanahay” ayuu yiri Richard.

Xubnaha siyaasadda isku haya ayaa safiirka Mareykanku sheegay in badqabka dalkooda ay u fiican tahay in miiska wada hadalka la iskugu yimaado, iyada oo cidda xaaladda ka faa’iideysaneysa ay tahay haddii xalka aan la qaadan kooxaha ay is hayaan.

Sida oo kale, Safiir Richard ayaa  hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ka taageeri doonto Soomaaliya arimaha ku aadan doorashada qof iyo cod oo ah wax dimuqraadi ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed