Mareykanka oo ka digay in dagaalka Ukraine uu isku beddeli karo colaad nukliyeer la isku adeegsado

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, Jay D. Vance, ayaa ka digay in haddii dagaalka Ukraine uu sii socdo sanado badan, uu isu rogi karo dagaal nukliyeer ah oo halis ah.
Vance ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku yiri “warbaahinta waaweyn ay qabaan fikrad la yaab leh oo ah in haddii xaaladda lagu sii jiro sanado kale, Ruushku burburi doono, Ukraine-na dhulkeedii dib u heli doonto, wax walbana ku soo noqon doonaan sidii ay ahaayeen kahor dagaalka.”

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, Jay D. Vance oo arrinkaasi ka falcelinaya ayaa yiri “taasi ma aha xaqiiqada aan ku nool nahay,” isagoo xusay in sii socoshada dagaalku ay keeni karto cawaaqib xun, sida “burburka bulshooyinka” iyo “dagaal nukliyeer ah,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS.

Vance wuxuu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda rasmiga ah ee maamulka Mareykanka tahay in lagu dadaalo dhameynta dagaalka, isagoo intaas ku daray in Donald Trump uu kooxda siyaasaddiisa si cad ugu diray hawsha ah in la soo afjaro dagaalka iyada oo la adeegsanayo dhammaan dadaallada suuragalka ah.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shalay ku dhawaaqay xabbad-joojin socon doonta muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabanaysa 8-da ilaa 10-ka May, taasoo ku beegan dabaal-degga Moscow ee maalinta Guusha Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa dhaleeceeyay tallaabadaas, wuxuuna ku tilmaamay “isku day marin-habaabineed.”

“Waxaa jira isku day cusub oo marin-habaabineed oo sabab u ah in la sugo 8-da May, ka dibna la sameeyo xabbad-joojin si lagu gaaro xasilooni,” ayuu yiri intii lagu jiray hadal uu ka jeediyay xuska milatari ee lagu qabanayo Fagaaraha Cas ee Moscow 9-ka May, sida ay sheegtay wakaaladda AFP.
Dowladda Ukraine ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso xabbad-joojin degdeg ah oo socota “ugu yaraan 30 maalmood.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andriy Sebiga, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ee X (hore Twitter) ku yiri: “Haddii Ruushku si dhab ah u rabo nabad, waa inuu joojiyaa dagaalka isla markiiba. Maxaa loo sugaa ilaa 8-da May?”
Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in toddobaadkan uu noqon karo “mid go’aan ka gaaraya mustaqbalka nabadda” ee gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed