Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo badi gargaarka dibadda ee Mareykanka uu siiyo dalalka caalamka, marka laga reebo maalgelinta loo fidiyo Israa’iil iyo Masar, sida lagu sheegay qoraal aan si buuxda loo shaacin oo la is dhaafsaday.
Qoraal ka soo baxay shaqaalaha gudaha oo ay heshay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in aan wax maalgelin cusub ah loo qoondeyn karin cid kasta ama wax kordhin ah loo sameyn karin maalgelin hore ilaa inta dib loo eegis lagu sameyanyo laguna ansixinayo si waafaqsan ajendaha Madaxweyne Donald Trump.
Qoraalka si gaar ah uma sheegin Ukraine, oo xilligii maamulka Madaxweyne hore Joe Biden loo fidiyay balaayiin doollar si ay isa difaacdo weerarrada Ruushka, taasoo muujinaysa in gargaarkaas la hakiyay.
Qoraalkan ayaa ka mid ah amar maamul oo uu Trump soo saaray maalintii caleemo saarkisia, isagoo amray in muddo 90 maalmood ah la hakiyo gargaarka dibadda ee Mareykanka uu siiyo dalalka caalamka.
Israa’iil iyo Masar waxay ka mid yihiin dalalka ugu badan ee helay gargaarka millateri ee Mareykanka.
Qoraalka ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ku xusay in ay suurtagal ahayn in maamulka cusub uu qiimeeyo haddii ballanqaadyada gargaarka dibadda ee hadda jira ay yihiin kuwo aan joogto ahayn oo waxtar leh, oo waafaqsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Trump.
HBN ONLINE TV