Mareykanka oo digniin ku siiyay Iiraan in ay la kulmi doonto “dhirbaaxo aad u xooggan”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin ku siiyay Iiraan in ay la kulmi doonto waa sida hadalka uu u dhigaye “dhirbaaxo aad u xooggan” oo ka timaadda Mareykanka haddii mudaaharaadayaal kale la dilo inta lagu jiro bannaanbaxyada socda laba toddobaad, kuwaas oo ka dhashay xaalada nololeed oo sii xumaanaysa.

Isagoo la hadlayay wariyeyaasha, Trump wuxuu yiri: “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, haddii ay bilaabaan inay dadka dilaan sida ay hore u sameeyeen, waxaan u maleynayaa inay heli doonaan dhirbaaxo aad u xooggan oo ka timaadda Mareykanka.”

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta oo Isniinta ah waxay sheegtay in “hadallada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo mas’uuliyiin Mareykan ah oo xagjir ah oo ku saabsan xaaladda gudaha ee Iiraan ay yihiin dhiirrigelin argagixiso iyo rabshado.”

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri “Maamulka Sahyuuniyadda waxay sugayaan fursad kasta si ay u weerarro midnimadeenna qaran.”
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in haddii Iiraan ay rasaas ku disho mudaaharaadayaal nabadeed, Mareykanku uu faragelin doono si uu u badbaadiyo, isagoo farriin uu ku qoray baraha bulshada ku yiri “Waxaan nahay diyaar, waana diyaarsanahay inaan dhaqaaqno.”

Isla maalintaas, xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Sare ee Iiraan, Cali Larijaani, ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu ogaado in faragelinta arrin gudaha Iiraan ah ay qalqal gelin doonto gobolka isla markaana ay wiiqi doonto danaha Washington.

Marka laga hadlayo mudaaharaadyada, xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Sare ee Iran wuxuu yiri: “Waxaan kala saareynaa mowqifyada ganacsatada mudaharaadaya iyo kuwa wax dumiya, hadallada Israa’iiliyiinta iyo Trump-na waxay caddeeyeen wixii dhacay.”

War kale oo arrimahan la xiriira, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in mudaharaadyada shacabka la dhageysto, isagoo ka digay in shakhsiyaadka la xiriira sirdoonnada shisheeye ee doonaya in ay mudaharaadyada u rogaan rabshado lala tacaamuli doono si gaar ah.

Isagoo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ee maanta, Qalibaf wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinkan ay lama huraan u yihiin si loo hubiyo in amniga iyo nabadda shacabka aan la khalkhal gelin.

Mudaharaadyada ayaa qarxay toddobaadkii hore kadib markii ganacsatada Tehran ay si ku meel gaar ah u xireen meheradahooda iyagoo ka cabanaya hoos u dhac weyn oo ku yimid lacagta dalka, taas oo gaartay heerarkii ugu hooseeyay marka loo eego dollarka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa qirtay cadaadiska dhaqaale ee haysta shacabka, waxayna sheegeen in mudaaharaadyada nabadeed ay sharci yihiin. Isla mar ahaantaasna, waxay ka digeen in kooxo shisheeye taageero ka helaya ay doonayaan in ay ka faa’iideystaan xaaladda oo ay kiciyaan rabshado.

Tan iyo 28-kii Diseembar, Iiraan waxaa ka socday mowjado mudaaharaadyo joogto ah oo ka dhacay magaalooyin badan, kuwaas oo ka billowday suuqyada ganacsatada kuna fiday jaamacadaha, kuwaas oo salka ku haya qalalaase dhaqaale iyo hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta.

Mudaharaadyada hadda socda ee la xiriira qiimaha maciishada ayaa ka kooban kuwo aad uga yar mudaaharaadyadii ballaarnaa ee Iiraan ka dhacay dabayaaqadii 2022, kuwaas oo ka dhashay geeridii gabar reer Iiraan ah oo da’yar, Mahsa Amini, oo ku dhimatay xabsi.
Sannadkii 2019, mudaharaadyo ayaa qarxay kadib markii lagu dhawaaqay koror weyn oo lagu sameeyay qiimaha shidaalka, mudaharaadyaduna waxay ku fidiyeen ku dhowaad 100 magaalo, oo ay ku jirto Tehran, taasoo sababtay dhimashada tobannaan qof.

Qalibaf wuxuu yiri: “Qaranimada Iiraan, taariikhda oo dhan, waxay meeshii ay ku habboonaayeen dhigtay calooshood-u-shaqeystayaal, khiyaanooleyaal iyo kuwo dalkooda iibiyay, maanta sidoo kale ma qaadan doonto waqti dheer in cadowgu inkastoo uu adeegsaday dhammaan awooddiisa sirdoon, amni iyo warbaahineed uu markale guuldarro kala kulmo shacabka Iran.”

Wuxuu xusay in farriinta Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah, Ayatollah Cali Khaminii, ee ku saabsan kala saaridda mudaaharaadayaasha iyo kuwa rabshadaha wada ay tahay “mid cad oo wax tilmaamaysa,” isagoo ku tilmaamay khariidad lagu maareeyo qalalaasaha.

Hoggaamiyaha ayaa Sabtidii ka digay in “mudaharaadku yahay mid sharci ah, balse mudaaharaadku wuu ka duwan yahay rabshad,” isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiintu ay la hadlaan mudaaharaadayaasha, maadaama “la hadalka mudaaharaadaha uu ka duwan yahay la hadalka rabshad-wadayaasha; la hadalka rabshad-wadayaasha wax faa’iido ah ma leh, waana in meeshooda la dhigo.”

Qalibaf wuxuu sheegay in dowladdu ay waajib ku tahay in ay wadahadal la gasho mudaaharaadayaasha, isagoo hoosta ka xarriiqay in cabashooyin badan oo ay qabaan ay yihiin kuwo xaq ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed