Mareykanka oo digniin ka soo saaray suurtagalnimada weeraro ka dhaca Mqudisho

Digniin ay soo saartay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa muujinaysa weerarro suuragal ah oo ka dhici kara meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda, Hoteello, bar Kontoroollo iyo goobo kale.

Safaaradda Maraykanka oo Digniintan gaarsiisay muwaadiniinteeda si aanay waxyeello uga soo gaarin weerarradaas xogtooda ay heshay, ayaa waxa ay intaas ku sii dartay in loo baahan yahay tallaabooyin looga hortagi karo weeraradaas si bulshada looga badbaadiyo halistaas.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay inay dabagal ku sameyneysa xogo ay sheegtay in lagu kalsoonaan karo, oo la xiriira weeraro ka dhici kara meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxay sidoo kale sheegtay in la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ilaa amar dambe.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusineysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay sii wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee ay ka geysato gudaha Soomaaliya”, ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

“Waxaa dhici karta inay fuliyaan weeraro iyadoo aysan digniin jirin, isla markaana beegsanaya garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, koontaroolada, xarumaha dowladda, hoteelada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan dadka reer Galbeedka ah, kolonyada ciidamada dowladda, kuwa militariga iyo kuwa reer galbeedka”, ayaa intaas lagu daray.

Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay aad u xaddiday awoodda ay adeegyo degdeg ah ugu fidin karto muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, sababo ay ku sheegtay inaysan dalka ku lahayn qunsuliyad joogto ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed