Dawlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay furtay baaritaan looga gol leeyahay in lagu ogaado in Spain oo ka mid ah xulafadiisa NATO ay diidayso in maraakiibta xamuulka ah ee la sheegay inay sidaan hub Mareykanku u wado Israa’iil ay ku soo xirtaan dekedaheeda.
Guddiga Maraakiibta Badda ee Federaalka, oo ah guddi madax-bannaan oo u xil-saaran kormeerka iyo qiimeynta xaaladaha saameyn kara dhoofinta iyo ganacsiga caalamiga ah ee Mareykanka, ayaa sheegay in baaritaanku uu billowday ka dib markii la helay macluumaad sheegaya in Spain ay diiday ugu yaraan saddex markab inay ku soo xirtaan dekeddeheeda.
“Guddigu wuxuu ka walaacsan yahay in siyaasaddan muuqata ee diidmada maraakiibta qaarkood ay abuuri karto xaalado aan wanaagsaneyn oo saameyn ku yeelan kara dhoofinta ganacsiga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay diiwaanka rasmiga ah ee dowladda Mareykanka.
Haddii baaritaanku caddeeyo in Spain ay faragelisay ganacsigaas, guddigu wuxuu ku soo rogi karaa ganaaxyo malaayiin doollar ah, oo gaaraya ilaa $2.3 milyan halkii safar ee kasta, ayuu yiri.
Bayaanka wuxuu sheegay in guddiga loo soo bandhigay 19-ka November in Spain ay diidayso maraakiibta inay ku xirtaan dekedaha, oo ay ku jiraan kuwa ku jira Barnaamijka Amniga Badda ee Mareykanka, kaas oo maraakiibta iyo milkiilayaashooda u ballan-qaadaya ilaalin ka dhan ah shatiyeynta “xaddidan iyo takoorka” sababo la xiriira adeegyada ay inta badan u fuliyaan ciidamada Mareykanka.
Spain ayaa horey u shaacisay inay u diidday dekadeheeda inay ku soo xirtaan dhawr markab oo hub u siday Israa’iil, iyadoo taasi sabab uga dhigtay in hubkaasi loo adeegsanayo dagaalka Qasa oo ay si wayn uga soo horjeedan, maadaama dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhimanayaan.
Spain ayaa sidoo kale waxay joojisay hubkii ay u dhoofin jirtay Israa’il, waxaana sidoo kale ay sheegtay inay u hoggaansami doonto oo fulin doonto go’aankii soo qabashada Ra’isalwasaaraha Israa’iil iyo Wasiirkiisii hore oo ay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo.
HBN Online TV