Mareykanka oo balanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono Soomaaliya amniga dalka

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka hadashay kulankii dhexmaray La-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Aweys Xaaji Yuusuf iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, waxaana arimaha laga wadahadlay ka mid ahaa amniga iyo wadashaqeynta.

War ka soo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: “Waxaan rajeyneynaa inaan si dhow ula shaqeyno La-taliyaha Amniga Qaranka Aweys arrintan muhiimka ah, taas oo u baahan feejignaan iyo taageero ka timaadda dhammaan saaxiibada iyo bah-wadaagta amniga ee Soomaaliya.”

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in Mareykanku sii wadi doono taageeradiisa ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo xoojineysa iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u magacaabay Danjire Aweys u noqdo Lataliyihiisa Amniga Qaranka 06-da bishii hore ee Ogosto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed